Al-Shabaab oo la wareegtay degaanka Xawaadley

XAWAADLEY (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa Sheegaya in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay la wareegeen Degaanka Xawaadley oo ku yaalla duleedka Balcad.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la Sheegay inay gudaha u galeen Degaanka Xawaadley oo dhowr Kiilo Mitir u jira Degmada Balcad, kaddib markii ay saaka isaga baxeen Ciidamada Xoogga Dalka oo ay soo dul fariisteen Shabaabku.

Dhanka kale, Wararka ayaa Sheegaya in dagaal waqti kooban qaatay ay Al-Shabaab kula wareegayn degaanka, waxaana jira Abaabul ay wadaan Mas’uuliyiinta Hirshabelle oo dib looga saarayo Al-Shabaab degaanka Xawaadley ee degmada Balcad.

Al-Shabaab ayaa Habeeno ka hor qabsaday Degmada Balcad, iyagoona gubay Saldhiggii degmada iyo gaadiid yiilay Saldhigga degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.

IDIL NEWS