Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Wasiir ku-xigeeno iyo xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa waxaa safarka Muqdisho ku Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Ilaalo fara badan oo aad u hubeysan, waxaana loo galbiyay Guri ku dhow Madaxtooyadda oo loo diyaariyay.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay Muqdisho joogi doonaan maalmo, waxaana inta ay joogaan wada hadalo la yeelan doonaan Madaxda dowladda Federaalka.

Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa ujeedkiisa yahay dhameystirka heshiiska dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo uu ka soo shaqeeyay Ku-simaha Taliyaha NISA.

Axmed Madoobe ayaa xilligan waxaa ku soo fool leh doorasho, waxaana bisha Agosto la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo uu la kulmayo loolan aad u xooggan, waxaana uu doonayaa in loolankaas oo badankiisa uga imaanaya dowladda Federaalka inuu meesha ka saaro.

Daawo.

IDIL NEWS