Madaxweyne Trump oo saxiixay wareegto uu ugu aqoonsaday Isreal Golan Heights (Daawo)

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa qalinka ku duugay Wareegto uu si rasmi ah Mareykanku ugu aqoonsanayo Buuraleyda Golan Heights dhul ay lee dahay Israel.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixa Go,aankan Madaxa ugu weyneeyay Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo sheegay in aan dalkiisu marna ka tanaasuli doonin Golan Heights, oo ay Suuriya uga qabsadeen Dagaalkii Lixda Maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda 1967-kii.

Saxiixa Wareegtadan ayaa rumaynaysa war uu 21-kii Maarso Twitter-kiisa, kusoo qoray Donald Trump, kaasoo uu ku sheegay in la gaarey xilligii si buuxda Buuraleyda Golan loogu aqoonsan lahaa Israel.

Sidoo kale, Aqoonsiga Trump ee Buuraleyda Golan Heights, ayaa loo arkaa in uu taageero ugu muujinayo Ra’iisulwasaare Netanyahu oo doorasho galaya 9-ka April.

Israel ayaa 3 meelood oo 2 meel ka haysata buuraleeyda Golan Heights, iyadoo 1981-kii ku dhawaaqday inay dhulkaa Suuriya ka goosatay, balse waxaa diidey Qaramada Midoobay oo kasoo saartay qaraarkii 497 iyo Beesha Caalamka, iyadoo loo cuskanayo Xeerka Caalamiga ah oo sharci darro ka dhigaya in dal soo duuley uu xeerarkiisa ka hirgeliyo dhul uu xoog ku qabsaday.

Israel iyo Suuriya ayaa marar badan ka wada hadlay heshiis nabadeed oo ay ku jirto in buuralaydaa loo celiyo Suuriya, balse Yuhuuddu waa diidey.

Daawo.

IDIL NEWS