Magaalada Gaalkacyo oo yeelatay Maamul Cusub (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Golaha Degaanka Cusub Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa u doortay Saahid Maxamuud Cali Duqa Magaalada Gaalkacyo, kaddib doorasho gelinkii dambe ka dhacday Gaalkacyo.

Xilka duqa degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne iyo Saahid Maxamuud Cali, waxana codeynayay 31 Xubnood ee Golaha deegaanka.

Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne ayaa helay 7 Cod halka Saahid Sayn uu helay 23 cod, hal cod ayaana halaabay, waxaana sidaasi duqa degmada Gaalkacyo loogu doortay in uu noqdo Saahid Maxamuud Cali,waxana codeynta ay aheyd mid qarsoodi ah.

Intaas kaddib ayaa loo gudbad Doorashada Duq ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ay ku tartamayeen Saddex Musharax, waxaana ku guuleystay Maxamed Cabdinaasir Cigaal oo helay 16 Cod, halka Cabdullaahi Maxamed Jakato oo ahaa Musharaxa ay wareega Saddexaad iskula gudbeen uu helay 15 Cod.

Daawo.

IDIL NEWS