Puntland iyo NATO oo ka wada-hadlay ka hor-tagga Dambiyadda Badda (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Maxamed C/llaahi Cismaan, ayaa faah-faahin ka bixiyay Kulan dhexmaray Mas’uuliyiin uu horkacayo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada badda ee Isbaheysiga NATO.

Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa Sheegay in kulanka oo ka dhacay Dekedda Boosaaso, uu ujeedkiisa ugu weyn ahaa isbarasho iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada NATO ay siiso Dowladda Puntland.

Waxaa uu sheegay in NATO oo Puntland ka taageerta ka hor-tagga Dambiyadda Badda ay u balanqaaday Xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland inay xoojinayso taageerada ay siiso ayna si dhow ula shaqeyn doonto.

Daawo.

IDIL NEWS