Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeeray Ilaha dhaqaalaha Mudug (Sawirro)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasiir ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Yaasiin Ibraahim Ciise (Darmaan), iyo Wafti uu Hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiir ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Xasan Cali Samatar iyo Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Siciid Axmed Fagaase.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ka tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, waxaa socdaalkooda Gaalkacyo uu ku aadan yahay ogaanshaha Wax soosaarka dakhliga iyo hab usocodka shaqada.

Wasiir ku-xigeenka iyo Waftigiisii oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cali Nuur Geesey iyo saraakiil kale oo katirsan Wasaradda, ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, Qeybo Kamida Kastamada Cashuuraha,Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yusuf Axmed iyo Kastamka Cashuuraha ee laanta Dusmada.

Sawirro.

IDIL NEWS