Beesha Caalamka oo taageero u muujisay Ra’iisulwasaare Kheyre.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War qoraal ah oo si wada jir ah u soo saareen Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa,Midowga Yurub,Midowga Afrika,Britain iyo Mareykanka, ayaa ku sheegay in ay ku taageerayaan qorshaha uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ee ku aadan sudigga nabadgeliyada dalka.

“Waxaan bogaadinaynaa dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo xoojin lahaa horumarka laga sameynayo dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka,waxaana diyaar u nahay in aanu taageerno dadaaladaasi,waxaana indhaha ku haynaa shirka Banka addunka iyo IMF ee ka dhicidoona bisha April ee soo socota magaalada Washington,iyo sidii AMISOM loogala wareegi lahaa mas’uuliyad aamniga gud ee dalka,taasina wa amid aan si weyn u taageereyno”. Ayaa lagu yiri qoraalkan ay soo saareen beesha caalamka.

Waxaa ay sheegeen in hadii ay dhaqan galaan qodobadan ay xuseen ay horseedi karaan degnaansho,iyo barwaaqo ka dhacda Soomaaliya iyo gud ahaan gobolka,waxaa sidoo kale ay ku booriyeen hogaamiyaasha Soomaalida in laga wada qeyb galo hanaankii looga miro dhalin lahaa horumarka iyo nabadda dalka.

Hadal kan ayaa ka dambeeyey kadib kulan uu dhawaan rai’iusl wasaaraha Soomaaliya kula yeeshey wakiilada beesha caalamka iyo AMISOM,iyagoo ka wada hadlay,qorshayaasha horumarineed oo ay wado dowladda iyo sidii loo taageeri lahaa.

IDIL NEWS