Faallo: Maxaa laga Dheehan karay Khudbadii xalay ee Madaxweyne Farmaajo ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Khudbad uu ujeediyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa si aan horey loogu baran uga hadlay xaalada ammaan ee Soomaaliya iyo fashilada heysta Dowladda uu Hoggaamiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku nuux-nuuxsaday in Dowladdu ay ku fashilantay inay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ka xoreyso dalka, isagoona eedeeyn dusha uga tuuray Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida oo uu ku sheegay Axdi laa-waayaal.

Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa tilmaamay in saraakiisha Ciidamadu ay khasbeen in uu been u sheego Shacabka Soomaaliyeed, maadama uu balanqaaday bilo kaddib doorashadiisii in uu al-Shabaab uga xoreynayo dalka 2 sanno Gudahoood.

Maxaa laga Dheehan karay Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbadiisa xalay waxaa ay aheyd mid ka duwan kuwii hore ee uu jeedin jiray, isagoona si cad u qiray in Dowladda uu hoggamiyo ay ku fashilantay sugida amniga caasimadda iyo xoreynta dhulka Shabaabku heystaan oo uu horey u balanqaaday in labo sanno uu kusoo gaba-gabeynayo.

Isaga oo ay ka muuqatay dareen dabac ah iyo fashilo taabtay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaare Kheyre, ayuu sheegay in fashilada heysta Dowladda ay hormuud u yihiin loolanka Wadamada caalamku ugu jiraan Soomaaliya.

Dadka Falanqeeya arrimaha amniga iyo Siyaasadda ayaa qaba in khudbadan oo aheyd mid si weyn loo sugayo ay dusha ka feeday in Dowladdu aysan heyn qorshe ay ku xaqiijin karto amniga dalka, ayna ku dhameysan doonto Sanadka iyo bilaha u haray jawi ka duwan Mudadii tagtay.

Falanqeeyayaasha amniga ayaa sidoo kale aaminsan in Madaxweynuhu uu qorshihiisu ahaa in uu dusha uga tooro eedaha loo jeedinayo ee ku aadan inuu sameeyay balanqaad ah in Al-Shabaabuu dalka uga xoreynayo 2 sanno gudahooda, taas oo uu tilmaamay inay ku dhaliyeen dhihistiisa saraakiisha Ciidamada, ayna u xireen tuute.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan u muuqda mid u soo daadagay xaqiiqada ku aadan xaalada uu marayo dalku, taas oo ay sababtay kicinka galay Ciidamadii ku jiray furimaha dagaal ee soo baneeyay Fariisimahooda, kaddib markii ay ka caroodeen Khudbad uu jeediyay Ra’iisulwasaare kheyre oo ku aadan inay Ciidanku qaataan Mushaaraadkoodii, ayna jirin cid qatan.

IDIL NEWS