Madaxweyne Farmaajo “Soomaaliya waxaa heysta cadow dal iyo dibed ah” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay leedahay laba cadaw oo kala ah mid uga yimid dibada iyo cadaw Gudaha ah, kuwaas oo ka Shaqeynaya burburinta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in cadawga Dibadda ay adeegsanayaan dad Soomaaliyeed, iyaga oo uga gol leh in Soomaaliya aysan ka dhalan wax dowlad ah,isla markaana Kheyraadkeeda lagu maamulo sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u farabadan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan inay ku maamulaan waana ku dagaalsan yihiin, waxaa ay heystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga oo sii hadlayey waxa uu sheegay in ujeedada ka dambeysa ay qeyb ka tahay in damiirkii soomaalinimo aad meel iska dhigto oo waxwalba aad haa tiraahdo,sidoo kalena la iska gurto kheyraadka ku jira dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer ku cel celiyey inay jiraan dad diidan dowladnimada Soomaaliya, waxaana taasi la qaba siyaasiyiin farabadan iyo Bulshada qaar oo aaminsan in duruufaha heysta Soomaaliya laga faa’iideysanayo.

Daawo.

IDIL NEWS