Ra’iisulwasaare Kheyre oo lagu qancinayo inuu is-casilo.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in uu socdo dadaal la doonayo in uu isku casilo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiir ku-xigeen katirsan Xukuumadda Federaalka, ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in maalmihii ugu dambeeyay ay soo wajaheen Ra’iisulwsaraaha culeysyo fara-badan oo uga imaanaya Villa Soomaaliya iyo Baarlamaanka, kuwaas oo u soo bandhigay in uu is-casilo.

Ra’iisulwasaare Kheyre oo Habeen hore kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee la garabka ah, oo ay kamid yihiin Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ayaa la wadaagay dalabyada horyaala eek u aadan in uu is casilo.

Kheyre ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo uu u muujiyay diidmo cad oo ku aadan in uusan garab u noqon doonin, kana dalbaday inay haboon tahay in uu is casilo, maadama haatan ay soo wajaheen Dowladda Mowjado siyaasadeed oo uu isaga kiciyay.

Xildhibaanada iyo Saaxibada Ra’iisulwasaare Kheyre, ayaa u soo jeediyay in uu ka go’aan qaato sida uu ku furmo Kalafadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo guux badan uu hareeyay furitaankiisa kahor.

Dhanka kale, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa Mooshin sal balaaran oo ka dhan ah Kheyre ku diyaarinaya Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, waxaana la sheegay in mooshinkan ay ku biireen Xildhibaanada u dhow dhow Madaxweyne Farmaajo, taas oo cabsi galisay Ra’iisulwasaare Kheyre.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

IDIL NEWS