Sanaag: Xiisada dagaal ee Degaanka Yubbe oo looga heshiiyay qaab Qabiil

CEERGAABO (IDIL NEWS)-Waxgaradka iyo Isimada Dhaqanka Gobalka Sanaag ayaa Shirk u yeeshay Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, kaas oo looga hadlayay xalinta Xiisada dagaal eek a taagan Degmada Yubbe ee Gobalkaas, taas oo u dhexeysa Dowladda Puntland iyo Somaliland.

Shirkan oo ay ku sugnaayeen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Bariga iyo Galbeedka Gobalka Sanaag, ayaa hab-beeleed looga heshiiyay Xiisada Dagaal ee Degmada Yubbe, Iyadoona Waxgaradka Bariga Sanaag ay si cad u sheegeen in aysan aqbali Karin in beeli sheeganeysa Dowlad ay kusoo duusho Dhulkeeda.

Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in ciidamada Somaliland ee u dhashay Galbeedka Gobalka Sanaag, ay ka baxaan degmada Yubbe, si looga fursado inay dib usoo laabato Colaadii Beelaha Bariga iyo Galbeedka Gobalka Sanaag.

Sidoo kale, Odayaasha Dhaqanka Bariga Sanaag ayaa la sheegay inay Shirka ka xuseen in cid walba oo u dhalatay bariga gobolka Sanaag ay imaan karto iyadoo aan loo eegayn calanka ay wadato iyo maamulka soo dirsaday toona.

Isimada Labada dhinac ayaa Heshiiskooda la sheegay inay u gudbiyeen Taliyaha Ciidamada Maamulka Somaliland Gen. Nuux Taani, isagoona Qoraalka heshiiska labada dhinac u qaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo jawaab laga sugayo.

Heshiiska labada dhinac oo aan lala wadaagin Warbaahinta, ayaa nuxurkiisa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay isaga baxaan Degmada Yubbe iyo Degaanada hoos-tagga, taas oo hadii Madaxweyne Biixi Aqbalo baajin doona dagaal dhexmara Ciidamada Dowladda Puntland iyo Somaliland oo isku hor-fadhiya Yubbe.

IDIL NEWS