Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Sabriye oo gaaray Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga Wasiir Sabriye ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Xubno kamid ah labada Gole ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tegay Dhuusamareeb..

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug, kaas oo looga hadlayo  sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo khilaaf xilligaan uu ka dhaxeeyo.

IDIL NEWS