Wasiir Sabareey oo u yeeray Guddiga sare ee Saxaafadda Puntland (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hidaha Dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey), ayaa kuland deg deg ah isugu yeeray Guddiga sare ee Saxaafadda Puntland, inay isugu yimaadaan xarunta Wasaaradda ee Magaalada Garoowe.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in kulankan oo dhacaya 03-04-2019-ka, uu daaran yahay Is-xogwareysi iyo Dardar-gelinta Shaqooyinka Guddiga sare ee Dowladda Puntland, isagoona ku adkeeyay xubnaha Guddiga inay ilaaliyaan balanqaadka.

Guddiga sare ee Dowladda Puntland ayaa ka kooban  xubno isugu jira Ururka Saxafiyiinka Puntland ee MAP iyo Dowladda Puntland, waxaana kulankani uu kusoo aadamayaa xilli ay dhaliilo badan u jeedinayso Warbaahinta Degaanada Puntland Xukuumadda cusub, kuwaas oo la xiriira in Dowladdu ay dabooshay ilihii xogta ay ka heleysay Warbaahinta Madaxa banaan.

Akhriso Waraaqda kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland.

IDIL NEWS