Wasiirka Arrimaha Gudaha XF Soomaaliya oo ku wajahan Dhuusa-mareeb

MUQDISHO (IDIL NEWS)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inuu tagayaan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa la filayay in shalay uu gaaro Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud, waxaana dib u dhigay soo dhowaynta Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo shalay gaaray Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dooneysa in Hoggaanka Galmudug ku qanciso inay ogolaadaan doorasho, kaddib markii ay dhowaan shaaciyeen muddada xilheyntooda uu ka soo bilaabanayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxweyne Xaaf, wasiirka koowaad Sheekh Shaakir, hoggaamiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo odayaasha deegaanka, waxaana sidoo kale la filan karaa inuu tago Cadaado oo tabasho qabta iyo sidoo kale Xeraale oo ay dagaal beeleedyo ka jiraan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa shalay doonayay in uu u duulo Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu qanciyay joogis dhuusa-mareeb iyo wada-hadal dhexmara isaga iyo Wasiir Sabriye, oo ay soo dirtay Villa Soomaaliya.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.

IDIL NEWS