Bursaalax: Dhismaha Wadada oo socda iyo Baaq loo diray Dowladda Puntland (Daawo)

BURSAALAX (IDIL NEWS)-Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug, waxaa ka socda Dhismaha waddada bartamaha oo loo diyaarinnayo in laami la saaro, taas oo si isku-tashi ah ay u dhisanayaan dadka deegaanka oo gacan ka helaya shirkadda Kebarco ee dhiseysa Waddada.

Maamulka Degmada ayaa ugu baaqay bulshada oo ay qurba-joogta iyo ganacsatada ugu horreeyaan inay ka qaybqaataan dhammeystirka jidkan.

Guddoomiyaha Degmada Bursaalax Maxamed Sulaymaan Diiriye, ayaa sheegay in dhismaha Wadaadan oo socda, ay ku dhalisay Cabasho uga timid Shacabka Degmada, isla markaana aysan awoodin dhameystirkeeda.

Guddoomiye Maxamed Suleymaan ayaa ugu baaqay Dhamaan Shacabka, Ganacsatada, Hay’adaha iyo Dowladda Puntland in laga wada qeyb qaato Dhismaha wadadan oo ay baahi weyn u qabaan dadka Reer Bursaalax.

Daawo.

IDIL NEWS