Kala-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka oo maanta Furmaya

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho, kaddib fasax ka badan labo bilood oo ay ku jireen Xildhibaanadu.

Munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 5-aad oo lagu qaban doono xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya) ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Waxaa aad loo adkeeyey Amniga Wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xarunta Jeneraal Kaahiye, iyada oo xalay Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray Farriimo lagu ogeysiinayo in Maanta uu furmayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu waddaa in uu furo Kala-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka, sida uu qabo Dastuurku, Isagoona ka jeedin doona Khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan, waxaana inta badan dalka kusoo laabtay Xildhibaano safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

IDIL NEWS