Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qardho (Toos u Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan,  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho, waxaa ka qeyb-galay Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Qardho.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Labo Maalmood ku sugnaado Magaalada Qardho, isagoona kulamo la yeelan doona, Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta amniga iyo Hormarinta Qardho.

Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Qardho la kulmi doona Boqor Burhaan Boqor Muuse oo uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya, Iyadoona muddooyinkii ugu dambeeyay ay socdeen dadaalo lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Iyo Boqorka.

Socdaalka Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ah kii ugu oreeyay oo uu ugu baxay Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland, waxaana la filayaa in uu u sii gudbo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Halkaan Hoose Si Toos ah uga Daawo Soo Dhaweynta Madaxweyne Deni.

IDIL NEWS