Maxaa kasoo baxay Kulankii Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka Cayn ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Darawiishta Gobolka Cayn

kulankan Wasiirku la yeeshay saraakiisha ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Waxaada Miisaaniyada.

Wasiirka Maaliyadda ayaa Saraakiishu usoo gudbiyeen sida Mushaharaada ay uhelaan Ciidamada ku sugan aaga Gobolka Cayn iyo baahiyaha ay qabaan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa Saraakiisha usheegay in Dawladda Puntland ay ku dadaali doonto sidii Ciidamadu uheli lahaayeen Daryeel iyo Xuquuqdooda.

Daawo.

IDIL NEWS