Wasiirka Maaliyadda Puntland “Gaariga Madaxweynaha ee aan canshuurnay waa la qabanaya” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa shaaca ka qaaday in Masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland ay dibin daabyo ku wadaan Hanaanka Canshuuraha Gaadiidka ee Dowladdda.

Wasiir Xasan Abgaal ayaa sheegay in xubno katirsan Dowladda ay caadeysteen inay ka dhaga adeegaan Canshuuraha ku waajibka ah gaadiid aysan laheyn Dowladda Puntland, ayna hormuud u yihiin caqabadaha hor-taagan bixin canshuuraha gaadiidka.

Waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin in gaadiid aan wadan taarikada GD ah ee la siiyo Masuuliyiinta Dowladda uu canshuur la,aan maro Kantaroolada iyo gudaha Magaalooyinka, xitaa haday yihiin Gaadiid uu lee yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Wasiir Abgaal ayaa ka dalbaday Masuuliyiinta Dowladda inay u hoggaansamaan Sharciyadda dalka, oo uu sheegay in hadii aysan ilaalin aysan suuragal aheyn inay ilaashaan ama la faro Shacabka.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheeegay inay tiradii ka bateen Gaadiidka sita Taarikada Gaadiidka Dowladda ee loo yaqaan GD, ayna jiraan Dad Shacabka oo wata, isagoona ugu baaqay Masuuliyiinta iyo Hay’adaha Dowladda inay yimaadaan Xarunta Wasaaradda si loogu dhajiyo istiikaro cusub oo lagu aqoonsan doono Gaadiid Dowladda.

Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa Hadalkan ka sheegay kulan uu shalay la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Ciidamada Taraafikada, Ciidamada Turbataariyada iyo shirkadaha qaabilsan istiikarada iyo taarikada.

Daawo.

IDIL NEWS