Xisbiyadda Siyaasadda oo ku eedeeyay Xukuumadda inay ku fashilantay amniga Dalka (War-saxaafadeed)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xisbiyada siyaasadda sida UPD, Wadajir, Himilo Qaran iyo Ilays ayaa war saxaafadeed wadajir ka soo saaray xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay sii xumaaneysay xaaladeeda amniga.

War saxaafadeedka Xisbiyadan ayaa walaac looga muujiyay xaalada amniga Muqdisho, oo ay sheegeen in xilliba xilliga kale sii xumaanaya, taasna ay ugu wacan tahay dowladda oo aan sameyn wax qorshe istiraatiijiyad Amni qaran.

Sidoo kale Xisbiyada ayaa ka hadlay gadoodka ciidamada oo ay ku tilmaameen maamulo xumo ka jirta qaabka tirakoobka iyo xaqsiinta Ciidamada, waxaana ay intaa ku dareen inay dhacday Ciidamo hal goob jooga in qeybna la siiyay xuquuqdooda, qeybna aan la siinin.

Waxaa ay ku baaqeen in si degdeg ah loo siiyo Ciidamada xuquuqdooda, sida mushaar, raashin iyo iidaan dhameystiran.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:

IDIL NEWS