Boosaaso: Shir looga hadlayo xaqiijinta amniga oo socda

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Shir Deg deg ah oo looga hadlayo adkeynta amniga ayaa ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.

Shirkan oo ah mid Albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa  ku sugan Wasiiro katirsan Xukuumadda oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Dowladda Puntland C/samad Gallan, Maamulka Gobalka, Kan degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan, oo shirka guddoominaya ayaa la sheegay in uu ka dalbaday Masuuliyiinta Shirka ku sugan inay soo gudbiyaan araahdooda ku aadan xaqiijinta amniga Boosaaso oo sanadihii ugu dambeeyay ay hareeyeen carqalado amni.

Shirkan ka socda Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in berrito uu gaaro Magaaladaas Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo haatan ku sugan Magaalada Qardho.

IDIL NEWS