CAAGLEYAASHA IYO CIIDAMADA QARANKA (QORMO)

Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Puntland ku dhowaad sanad kaddib markuu xilka la wareegay. Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay inkastoo ciidan cusub aan la qorin.  Taliyeyaal  ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay inuu ku ogaado tirada ciidammada Puntland.

Maamulkii Gaas wuxuu ku qasbanaaday inuu oggolaado bixinta mushaarro loogu talagalay askar aan jirin oo tiradoodu kor u dhaafayso 6000. Magaca ciidammada aan jirin ee Puntland loo bixiyay waa Caagleyaal.

Markii dowladda federaalku ay u dhaqaaqday tirokoobka ciidammada ka tirsan Xoogga Dalka gadood bay ciidammada qaarkood sameeyeen. Waxay ku doodayaan in dowladdu aysan bixinin  mushaarkooda dhowr bilood. Wasiirka Maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay in habka cusub oo ay dowladdu ku bixin doonto mushaarka ku salaysan yahay tirokoob: askariga yimid meelaha ciidammada lagu tirokoobayo uun baa mushaar qaadan doona.

Su’aasha dad badani isweydiinayaan waa: maxaa loo beegsaday ciidammada ku sugan Muqdisho iyo labada Shabeelle haddii askarta aan jirin laga heli karo maamul federaaleedyada kale ? Shirkii London oo ay dowladda Biritishku u qabatay Soomaalida bishii Maajo ee sanadkii 2017-kii waxaa ka soo baxay hannaan aan la fulinin oo nabadgelyada dalka sal  inuu u noqdo loogu talagalay ( Security Architecture ).  Maqnaanshaha  aragti midaysan oo siyaasiyiinta Soomaalida wadagaan si dib loogu unko Xoogga Dalka waa dhibta curyaamisay dadaallada dib u habaynta qaybaha kala duwan ee Xoogga Dalka.  Ciidanka Puntland ku sugan lama yiraahdo Xoogga Dalka. Kuwa ku sugan Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo yaqaan Xoogga Dalka.

Ciidammada qaarkood ayaa furimaha ka soo baxay. Tani waxay keentay halis ah in dablayda Al-shabaab ay dib u qabsan karaan degmooyinka ururku gacanta ku hayn jiray. 26,000 oo askari bay dowladu mushaar siin jirtay. Tirokoobka kaddib 16,000 oo  askari baa iskugu yimid meelaha ay dowladu u astaysay tirinta askarta ka tirsan Xoogga Dalka. 9000 kun oo askri oo ay dowladdu mushaar siin jirtay baa la la’yahay. Dowladdu xilka way ka qaadday taliyeyaashii guutooyinka askartoodu u bateen askar aan jirin. Lacagta baaqanaysa waa mid wax loogu qaban karo askarta dhaawucu soo gaaray iyo  daryeelka qoysaska askartu ka geeriyoodeen. Waa sida ugu fiican oo loo tusi karo askariga Soomaaliyeed in dadkiisu abaal u hayaan ciidammada u heellan sugidda nabadgelyadooda. Haddii mushaarka  askarta ama shaqaalaha aan jirin uu ku dhaco jeebka taliyeyaasha iyo madaxda rayidka ah, musuqmaasuqu wuxuu garabsiinayaa cadawga ku howlan burburinta hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

 Biishii Maarso ee sanadkii 2017kii ayuu Wakiilkii hore Xoghayaha Guud  ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, u sheegay Soomaali isugu timid kulan ka dhacay Oslo in Xoogga Dalka askarta ka tirsani u badan yihiin hal beel. “Weliba ciidanka ku sugan Marka waxay u badan hal jifo. Soomaaliya may laha ciidan qaran” buu Keating yiri. 

Ciidanka Xoogga Dalka

Sababta madaxda Soomaaliyeed heer kasta uga aamusnaayeen xaaladda dhabta ee Xoogga Dalka ilaa hadda may cadda. Haddii dowladdu ay weli ku howlan tahay samaynta ciidan qaran oo loo dhan yahay, maxaa keenay in magaca Xoogga Dalka lagu sunto ciidammada  Soomaalida oo ka hawlgala gobollada qaarkood, isla xisaabtankuna iyaga ku koobnaado?

Waa maxay wanaagga ka soo bixi kara go’aanka dowladda federaalku ku beegsatay qaybaha ciidanka ku sugan laba gobol oo keliya? Haddii dowladda federaalku soo afjartay musuqmaasuqii ku jiray ciidammada iyo dowladda gaar ahaan dhinaca mushaarka, dowladdu xaq bay u yeelanaysaa inay la xisaabtanto maamul federaaleedyada. Isla xisaabtanku wuxuu keeni karaa in xoogga la saaro dhowrista Soomaalida xuquuqdooda dhaqaale iyo siyaasadeed lagu duudsiiyay habka 4.5.

Lacagta iyo tababbarrada ugu badan waxay ku baxaan ciidammada Xoogga Dalka ku sugan Muqdisho iyo labada gobol oo deriska la ah. Hufnaanta maaliyadda ee Xoogga dalku wuxuu meesha ka saarayaa eedeymo sadbursi oo wax u dhimi kara dhexdhexaadnimada dowladda Federaalka.

Habka federaalku wuxuu u ekaaday heshiis beelaha waaweyn u dhexeeya si aysan dowladnimo uga hanaqaadin Soomaaliya, waayo ololaha hufnaanta maaliyadeed oo ay dowladda federaalku u guntatay waa mid argaggax ku riday geddislayda siyaasadeed. 

Inta musumaasuq ka jiro Xoogga Dalka waa lagama-maarmaan inay Soomaaliya  ku sii tiirsanaato AMISOM oo hesha in ka badan 95% yabooha lagu soo ururiyo magaca Soomaaliya. Haddii Soomaaliya aysan ka maarmin ku tiirsanaanta AMISOM, kaalinta dowladda federaalku waxay sii ahaanaysaa mid lacag ay ugu soo ururiso ciidammada nabad-ilaalinta Afrika oo, sida  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka sheegay shirkii London ee 2017-kii,  “u jooga Soomaaliya inay ka hortagaan halis dunida uga iman karta” xoogag argaggixiso ah oo ku sugan dalka.

W/Q: Liibaan Axmad

IDIL NEWS