Garoowe oo noqoneysa Degmadii ugu horeeysay ee laga hirgelinayo Barnaamijka FMIS (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xisaabiyaha guud ee Dawladda iyo Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeer ku tagey Dawladda Hoose ee Garoowe.

kormeer kan shaqo ee Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur iyo waftiga uu hogaaminaayay ay ku tageen Dawladda Hoose ayaa ku aadanaa ogaan shaha adeeg siga Barnaamijka FMIS ” Financial Managment Information System” ee Dawladda Hoose Garoowe laga hir galiyay.

Xisaabiyaha guud iyo Masuuliyiinta kale ee kormeerkan ku weheliyay waxaa Xarunta Degmada ku soo dhoweeyay Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse iyo Masuuliyiinta kale ee Caasimada.

Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay habka isticmaalka qalabkii Maaraynta Maaliyadda ee FMIS ” Financial Managment Information System”waxana uu sheegay in uu waxbadan ku soo kordhiyay.

Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur ayaa Madaxda Dawladda Hoose ee Caasimada uga mahad celiyay sida ay usoo dhooweeyeen iyo Xogta ay ka siiyeen adeegsiga Barnaamijka Maaraynta Maaliyadda ee FMIS.

FMIS ” Financial Managment Information System” oo looyaqaan Maaraynta Maaliyadda, Dawladda Hoose ee Garoowe waxa ay noqonaysaa Degmadii ugu horeeysay ee adeegsata.

Daawo.

IDIL NEWS