Golaha ammaanka QM oo cambaareeyay go’aankii Madaxweyne Trump ee Golan Height

NEW YORK (IDIL NEWS)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankoodii Arbacadii shalay kasoo saaray qoraalo lagu cambaareenayo go’aankii Maraykanka kasoo saaray dhulka buuraleyda ah ee Golan Height oo ay Israel ka qabsatay Siiriya xiligii dagaalkii 1967dii.

Kulankan deg degta ah ee Golaha Amaanka ayaa waxaa codsaday dowlada Siiriya oo taageero ka heshay 14ka wadan ee kale ee golahaasi oo ka kooban 15 dal. Dalka Maraykanka oo ah xubinta kaliya ee golahaasi ee go’aankan qaadatay ayaa lagu eedeeyey jabinta sharuucda Caalamiga ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii lasoo dhaafay saxiixay qoraal uu ku sheegay inuu u aqoonsaday Israel inay la wareegto dhulkaasi ay ka qabsatay Siiriya, go’aankan oo ka horimaanaya qaraaradii horey uga soo baxay Golaha Amaanka iyo Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayaa ku dooday in Israel ay iska difaaceyso dhaq dhaqaaqa iyo duulaanka uga imaan kara Siiriya iyo xulafadooda Iran & Xisbullah.

Xukuumada Trump ayaa muddooyinkii danbe waday olole ay dooneyso inay ku abuurto dagaal ka dhan ah Wadanka Iran, qorshahaasi oo ay si weyn u taageersan yihiin Israel iyo Sacuudiga.

IDIL NEWS