Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhamestirtay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka iyo Dib-u-eegista Sharciga Xisbiyada siyaasadeed oo muhiim u ah Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka wada xaajoon doonaan qaab dhismeedka Maqaamka Caasimadda iyo dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka dalka.

Waa markii ugu horeysay Madaxweyne farmaajo uu ka hadlo arrimaha la xariira Maqaamka Magaalada Muqdisho, waxaana Dowladihii dalka soo maray iyo tan hadda jirta aysan ku guuleysan in la helo Maqaamka Caasimadda iyo hanaanka ay Federaaleynta ku dhex yeelaneyso.

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa mar soo hadal qaaday arrimo la xiriira maqaamka Caasimadda, hayeeshee khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Xukuumadda ayuu xilkiisii ku waayay.

Daawo.

IDIL NEWS