Maxaa kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku- xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada dawladda Puntland oo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garowe.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida ammaanka, Abaaraha ka jira Puntland oo goluhu ay biyo ku deeqeen, dhismaha goleyaasha deegaanka, Tartamada iyo horumarinta ciyaaraha Puntland.

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hidaha Dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey), ayaa warbaahinta u faah-faahiyay waxyaabaha kasoo baxay Shirka.

Daawo.

IDIL NEWS