Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax xooggan ayaa Goor-dhaweyd ka dhacay agagaarka hotelka wehliye ee Magalada Muqdisho, Iyadoona jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir,

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari uu ku qarxay Maqaayad lagu Magacaabo Filsan oo u dhow Hotelka Wehliye ee Muqdisho ,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo Gaadiidka Ambalasta ayaa gaaray goobta,waxaana socda dadaalo lagu samata bixinayo dadka waxyeelaabay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

IDIL NEWS