Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxii Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgoyska Dabka, gaar ahaan goob maqaaxi ah oo laga cunteeyo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaa la sheegayaa in gaariga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka warar kale ay tilmaamayaan in gaariga qof waday oo maqaayada lagu dhiftay.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana wararku ay sheegayaan inay ku geeryoodeen illaa 11 Ruux, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Daawo.

IDIL NEWS