Khudbadihii Madaxweyne Farmaajo ee Kalfadhiyada Gollaha Shacabka Oo Iska wada hor Yimid!

Taariikh 27-kii bishaan maalinkii arbacada waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kalfadhiga shanaad ee gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida shaciga ah Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadda dastuuriga ee furitaanka Kalfadhiga u jeediyay xildhibaannada aqalka hoose.
Waa noocee khudbadda Madaxweyne Farmaajo?!

Khubaddaasi oo la dhagaysan karo wax ka badan 20 daqiiqo ayaa madaxweynuhu ma uusan kaga hadlin sida ay tahay in loo daweeyo boogaha rasmiga ah ee dalka, taas beddalkeedna madaxweyne Farmaajo wuxuu ka doorbiday ka hadlay arrimo aan quseeynin kalfadhiga gollaha shacabka.


Qormadaydani oo aan ku eegayo xaaladda dalka iyo sida ay ahayd khudbadda madaxweynaha, runtii waxaa la oran karaa wax badan kama uusan sheegin dhibta ka taagan magaaladii uu ku shaqeynayay ee Xamar oo maalin kasta martigalinaysa qaraxyo isxiga oo gallaafanaya nolosha masuuliyiin iyo dad shacab ah oo aad u badan.


Caqabadaha amniga waxaa barbar yaalla xasarado ah kale oo siyaasadeed oo uusan khubaddiisa ku soo hadal qaadin madaxweyne Farmaajo, tusaale khilaafyada siyaasadeed ee weli ka ooggan gudaha dalka sida kan dowlad goboleedyada.


Akhrisatayaasha sharafta lahoow, haddaan dib u raacno khubadii hore ee isla madaxweyne Farmaajo uu ku furay kalfadhiyada gollaha shacabka.
Maxaa ka xasuusataa balanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo uu Xildhibaanada hortooda ka sheegay.


Kalfadhigii koowaad ”


gollaha ayuu madaxweynuhu sheegay in dowlad walba in ay leedahay hal ku dhig iyo astaamo u gaar ah, sidaa darteedna hal ku dhigga dowladdiisa uu yahay “ Dib u heshiisiin iyo Dib u habaynta Gudiyada cadaalada iyo Maxkamadaha.


Kalfadhigii labaad”


Wuxuu ballan qaaday isla dib u heshiisiin iyo la shaqeynta dowlad goboleedyada laga doortay xildhibaannada gollaha shacabka.
Kalfadhigii seddexaad,ayuu madaxweyne Farmaajo kaga hadlay dib u xorreynta dalka iyo soo celinta wadaniyadda.La dagaalanka musuq maasuqa.


Kalfadhigii Afaraad,


Waxaa uu kaga hadlay arrinta la xiriirta isxilqaan oo uu sheegay in dowladdiisa ay hormuud u noqotay sanado badan kaddib.Iskaashiga dawladaha Geeska afrika .


Kalfadhigii shanaad,


oo ah kii ugu dambeeyay wuxuu carrabka ku adkeeyay wada hadalka Somaliland, su’aashu waxaa weeye kuwii hore maxaa ka fulay, inkastoo khudbadaha ay iska hor imaanayaan!


Xildhibaannada uu madaxweyne Farmaajo la hadlayo waa kuwii laga soo doortay gobollada kale duwan, maxaa uga muhiimsanaa inuu kala hadlo khilaafyada jira ee diiday dhammaan howlihii aasaasiga ahaa ee dowladda?


Jawaabta, su’aashaydu oo ah Goormuu Madaxweyne Farmaajo Gardoona inuu wax badan balanqaadey wax badan khalday hogaankiisa
haddana maskaxdayda waxaa ka dhex guuxaya waxa muddo ka badan laba sano madaxweynihii qarankani liicay u dhaartay uu uga meereysanayo la tacaalidda dhaawacyada qaranka ee u baahan daweyn rasmi ah.


Docda kale, haddaan aqoonteyda ku cabbiro nooca khudbadda laga doonayay madaxweynaha, waxay ila tahay in madaxweynuhu dhammaan arrimihii masiiriga ahaa oo uu ka hadalkooda ka dhuuntay uu shaaciyo waxa kaga qorsheysan dowladdiisa oo wax ka yar laba sano u hartay.
Labadii sano ee madaxweyne Maxamed Farmaajo, talada dalka hayay caqabadihii abuurmay isaguna billoowga u ahaa waxaa kamid ah:


1- Amniga oo liicay, dilalka qaraxyada, weerarrada Muqdisho iyo degaanno kale oo sii kordhay.
2- Khilaaf joogto ah oo aan dhammaad lahayn oo ka dhex dillaacay dowladda iyo dowlad goboleedyada.
3- Dardargelinta howlihii dastuurka oo dib u dhac uu ku yimid.
4- Gaarsiinta Soomaaliya doorasho hal cod iyo hal qof oo rajadeedii ay idlaatay.
5- Siyaasadda arrimaha dibadda oo culeysyo kale duwan dowladda kala kulantay, kana abuurtay cadoow aan horay u lahayn Soomaaliya.
6- Xukuumaddii laga rabay in ay shacabka samatabixiso oo shaqadeedii ay noqotay mashruuc furis iyo wufuud qaabilis.
7- Rajadii shacabku ka lahaayeen dowladnimo dalka ka dhalata oo la tirtiray.


Dhammaan caqabadahani madaxweynuhu khubaddiisa kuma uusan soo hadal qaadin middood iyo sida xalka uu noqon karo ama waxa xukuumaddiisa uga qorsheysan, mana jirto sidaan waaya aragnimadayda siyaasadeed ay tibaaxayso qodobo ka habboon oo uu ka hadli lahaa.
Fallanqeynteydani kooban waxaa ku soo gunaanadayaa, xaaladda siyaasadeed iyo tan amni oo aad u cakiran oo ay Villa Somalia galiyeen dalka waa mid keeni karaysa rabshado iyo dagaallo bulshada Soomaalida dhexdeeda ah.


Haddaba, waxaa soo jeedinayaa in madaxweynaha uu tartarka iyo dhagaysiga kuwa ku geedaaman inta uu iska daayo uu u soo daadago waxay tahay xaqiiqada islamarkaana uu ka waantoobo maaweelinta shacabka daalan, oo uu u dhaartay l


Danjire Maxamed Maxamuud Caalim, oo ah aqoonyahan, siyaasi wax ka Qora siyaasada Geeska afrika. Gaar ahaan somalia.wax ka badan 30 sano, Email: Caalim68@hotmail.com


Tel: +358458712195
Dalka Finland, Helsinki