Garoowe: Wasiirka Maaliyadda oo hor-tagaya Baarlamaanka Puuntland

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa lagu wadaa in uu maanta hor-taggo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay dood ka lahaa Miisaaniyadda Dowladda ee 9 bilood ee ka hartay Sanadka 2019-ka.

Xildhibaanada ayaa kulankoodii khamiistii warbixin ka dhageystay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Dowladda Puntland, taas oo ku aadaneed Miisaaniyadda hor-taalla, Iyadoona la go’aamiyay in Wasiirku hor-yimaado Baarlamaanka Maanta oo sabti ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay su’aalo ku aadan Qorshaha iyo Qarashaadka Miisaaniyadda weydiiyaan Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Iyagoona intaas kaddib Cod gacan taag ah u qaadi doona.

IDIL NEWS