Garoowe: Xildhibaano ka hor-yimid Miisaaniyadda Puntland ee 9 bilood ee ka hartay 2019 (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta su’aalo ku aadan Miisaaniyadda Dowladda ee sagaal bilood ee ka hartay 2019-ka, weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga hor-yimid Miisaaniyadda, iyagoona sheegay inay muhiim tahay in dib loogu laabto.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa su’aalo ka keenay Qoondada Miisaaniyadda laga siiyay Wasaaradaha qaar, gaar ahaan Wasaaradaha Cadaalada iyo Cafimaadka, waxaana ay sheegeen in ay muuqato in Xukuumadda cusub aysan dooneyn in wax laga qabto arrimaha Cadaaladda iyo Caafimaadka.

Daawo.

IDIL NEWS