Kulankii Golaha Shacabka oo u baaqday kooram la,aan.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta baaqday sidda uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka dib markii la waayay Kooramkii loogu tala galay in uu ku furmo kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa baaqashadda ka hor  saacad dheeraad ah ku daray waqtigii furitaanka ee kulanka kadib markii kooramku buuxsami waayay, laakiin waa la waayay Xildhibaanadii buuxin lahaa.

Kulamada golaha ayaa sida uu xeer hoosaadka dhigaya la doonaya iney ku furmaan 139 mudane.

Baaqashadda kulanka ayaa timid sidoo kale xilli intii soo xaadirtay qaarkood ay banaanbax ka dhex sameeyeen xarunta Golaha, kaasoo looga soo horjeeday Ajandaha kulanka.

IDIL NEWS