Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday 3 Wasiir (Akhriso)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray xilkii uga qaaday Saddex kamid ah Golihiisa Wasiirada, kuwaas oo ku eedeeysan arrimo Musuq-maasuq.

Madaxweyne Biixi, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirkii Hore ee Warfaafinta  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo), Wasiirkii Gaashaandhigga Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle iyo Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Abees.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa Magacaabay Wasiirada cusub ee bedelay Saddexda Wasiir ee xilka laga qaaday, waxaa uu kala Magacaabay;

1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Xubnaha Wasiirada ahaa ee xilalka uu ka qaaday Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eedeeysan Musuq-maasuq, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay baaris ku hayay Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland, Iyadoona mar horeba xabsiga la dhigay Wasiirkii Warfaafinta.

IDIL NEWS