Muqdisho: Shir loogu yeeray Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo fashilmay

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shir isugu yeeray Todaabkii tagay Madaxda Dowlad Gobaleedyada inay isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho, kaas oo bar bar socday safarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku joogo Muqdisho.

Shirkan ayaa la sheegay in Casuumaadiisa loo diray dhamaan Madaxda Dowlad Gobaleedyada, Iyadoona ajandihiisa lagu sheegay shir wadatashi ah oo laga arinsanayo xal u helida khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo xaalada amni ee dalka.

Shirkan ayaa la sheegay in uu fashilmay kaddib markii ay ka cudur daarteen Labo kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, taas oo la sheegay inay haatan xaalad cusub ku abuurtay Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo safar ku maraya Degaanada Puntland, ayaa la sheegay inuu iska diiday Casuumadaas, isagoona sheegay in uu ku mashquulsan yahay u kuurgalida Degaanada Gobalada Bari iyo Karkaar iyo Booqasho uu maalmaha soo socda ugu amba baxayo dalal dibedda ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa iska diiday ka qeyb-galka shirkaas, iyadoona uu fashilmay wada-hadalo uu la yeeshay wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, kuwaas oo la doonayay in lagu qanciyo.

Shirkan ayaa la sheegay inay dowladda Federaalku doonaysay in ay ku muujiso in isfaham uu ka dhaxeeyo dowladda iyo dawlad goboleedyada, ka hor shirka Washignton ka dhici doona 8-14 bisha April oo ay hay’adaha Maaliyada Adduunka ee IMF iyo Bankiga Aduunka qabanayaan, kaas oo lagu qiimeeynayo xaalada Soomaaliya.

Fashilka Shirkan ayaa imaanaya, xilli ay dhowaan fashilmatay gogal uu fidiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni 26 bishii Febaraayo, taas oo lagu dhameynayay Mad-madowga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, waxaana la sheegay in gogashaas ay ka socon weyday dhinaca Dowladda Federaalka.

IDIL NEWS