Toos: Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Haatan soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, Iyadoona soo dhaweyntiisu ka socota banaanka hore ee Magaalada.

Maamulka Gobalka Bari, Kan Degmada, Waxgarad iyo Boqolaal shacab ah ayaa Madaxweynaha uga hortagay banaanka Magaalada Boosaaso, isagoona madaxweynuhu uu mid mid u gacan qaadayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa haatan kala hadlaya shacabka Magaalada Boosaaso goob loo diyaariyay oo ku taalla kantaroolka Magaalada, waxaana qadar kaddib loo galbin doonaa Gudaha Magaalada.

Toos u Daawo.

IDIL NEWS