Xaalad deg deg ah oo lagu soo ragay Magaalada Muqdisho.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo Goor-dhaweyd la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah lagu soo ragay Magaalada Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Magaalada ay ka bilaaban doonaan
howlgallo ballaaran, kuwaas oo lagu baarayo guryaha Muqdisho si loo xaqiijiyo Ammaanka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka shacabka inta ay socdaan howlgallada in ay muujiyaan dulqaad, maadaama uu sheegay in Magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin waa weyn.

IDIL NEWS