Xilkii Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la baabi’iyay (Is-bedel cusub)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Is-bedel cusub ayaa lagu sameeyay Hoggaanka Taliska Ciidanka xoogga dalka, iyadoo la baabi’iyay xilkii Abaanduulka oo ka mid ahaa xilalka ugu waa weyn ee Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu bixin jiray qaabka awood qeybsiga.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge loo bedelay xil kale, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Lugta oo ahaa xil ku hoos jiray Abaanduulka Ciidamada.

Xilkii Abaanduulaha ayaa loo bedelay qaab dhismeed Maamul oo Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka Taliye kuxigeenka Ciidamada, sida ay tibaaxayaan Wararku.

Qaab dhismeedkan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay is bedelka iyo dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka oo muddooyinkii u dambeeyay ku socday tirakoob iyo qorshayaal kale.

Is bedelkan cusub ee lagu sameeyay hoggaanka Ciidamada ayaa la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, iyadoo qeybo ka mid ah Ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la’aan iyo in aanan la siinan saanad iyo agabkii ay u baahnaayeen/

IDIL NEWS