Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 9 Bilood(Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta Meel-mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee sagaalka bilood eek a haray sanadka 2019-ka, taas oo maalmihii lasoo dhaafay ay dood adag ka lahaayeen.

Kulanka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka waxaa soo xaadiray 40 Mudane, Iyadoona Cod gacan tag ah geliyay Miisaaniyadda Dowladda oo ay dhowaan u gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, Iyadoona 38 Xildhibaan ay ogalaatay 1 Xildhibaan ayaa diiday, halka Mudane kalena uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, oo kulanka Shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in Natiijadada Codeynta, isagoona sheegay inay Baarlamaanku meel-mariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee Wasaaradda Maaliyaddu u soo gudbisay bilowgii Todobaadkii Hore, taas oo dhan $54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton) dollar. .

Xildhibaanada ayaa shalay su’aalo weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen in aan la aqbali Karin Miisaaniyadda Dowladda iyo Qoondada laga siiyay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda, iyagoona dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo, wallow maanta ay Meel-mariyeen,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

IDIL NEWS