Boosaaso: Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka oo kulan yeeshay (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Danjiraha dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, Isagoona halkaas kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ayaa kulankoodu ahaa mid ay warbaahintu dibadda ka joogto, waxaana looga hadlayay taageerada Maraynkanku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland ee dhinacyada, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimaha banii’aadanimada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in qodobadii laga hadlay la isku afgartay,islamarkaana kulanka ku soo dhammaaday jawi wanaagsan.

Daawo.

IDIL NEWS