Garoowe: Xildhibaanada oo cod u qaadaya Miisaaniyadda Puntland ee 9 bilood

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta yeelanaya kulan xasaasi ah, kaas oo cod loogu qaadi doono Miisaaniyadda Dowladda ee sagaalka bilood ee ka hartay 2019-ka.

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay dood adag ka lahaa Miisaaniyadda Dowladda, Iyagoona shalay u yeeray, su’aalana weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay Miisaaniyadda Dowladda iyo Qoondada laga siiyay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda, iyagoona dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, ayaa mudanayaasha u sheegay in maanta cod gacan taag ah la gelin doono Miisaaniyadda, si ay u diidaan ama ay u meel-mariyaan.

IDIL NEWS