Guddi Wasiiro ah oo loo xil-saaray xaalada amni ee Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddi Wasiiro ah ayaa loo xil saaray Xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, kaddib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah uuna shir guddoomiyay Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa lagu faray xubno wasiiro ah inay kasoo tala bixiyaan xaalada amni ee Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay hareeyeen Qaraxyo mataano ah oo lagu laayay Dad maato ah.

Guddiga Wasiirada ah ee loo xil-saaray amniga Muqdisho, ayaa waxaa kamid ah Wasiirada amniga iyo Gaashaandhiga, iyadoona la siiyay muddo todabaad ah inay uga soo tala-bixiyaan sugida amniga dalka.

Daawo.

IDIL NEWS