Madaxweyne Deni oo ka hadlay Tageerada Imaaraadku siiyo Ciidanka PMPF-ta (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Taliska Guud ee ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ iyo dekedda Magaalada Boosaaso.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo Kormeerka kadib la hadlay masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ ayaa mahad-balaadhan u jeediyey Dowladda Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya ciidamada PMPF.

“Waxaa sharaf weyn ii ah aniga iyo waftiga ila socdey in aan soo booqano xerada ciidmada Badda ee PMPF, waxaa marka ugu horeysa jecelahay in aan u mahadnaqo dowladda Imaaraadka Carabta oo runtii gacan weyn naga siisay sidii Puntland uga guulaysan lahayd burcad badeeda, sidoo kalena hada ku jirta in ay ka guulaysato Shabaab iyo Daacish, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dhamaan Dowladda Imaaraatka iyo shacabkeedaba” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray Dekedda Magaalada Boosaaso oo ay ka socotey shaqo balaadhan oo muhiim ah, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerka kadib kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Khayraadka Badda Puntland Maxamed Siciid Majiino, masuuliyiinta dekedda iyo Taliyaha Ciidanka dekedda Boosaaso.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland ee dekedda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo khayraadka Badda Puntland Maxamed Siciid Majiino.

“Maanta waxaa booqsho noogu yimid Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynha waxaanu siinay warbixinta xaaladda Dekedda iyo sida ay u shaqayso iyo amniga dekedda guud ahaan, si qurux badan bay-noogu soo dhammaatay, waxaana rajaynaynaa in shaqda dekeddu aad u wanaagsanaato Inshaa’Allaah:

Daawo.

IDIL NEWS