Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Guddiga amniga Bari ? (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada ee Boosaaso kulan kula qaatay guddiga amniga Gobolka Bari,

Madaxweyne Deni oo maanta soo gaaray caasimadda ganacsiga Puntalnd ayaa markiiba kulan iskugu yeeray gudiga amniga, kulankaas oo looga arinsanayo adkaynta amniga iyo soo celinta hannaan Dowladnimo oo dhaxal gal ah

Wasiiraka wasaarad Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Cabdismada Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey waxayabihii looga wada hadlay shirka”

“Waxaa uu Madaxweynuhu ugu yeeray Madxtooyada magaalada Boosaaso qaar kamid ah golaha xukuumadda, maamulka Gobolka Bari kan Degmada, taliyaasha ciidanka iyo dhammaan laamaha Amniga, waxaa shirka la iskaga xog waraystay xaaladda guud ee amniga magaalada Boosaaso iyo Gobolka Bari, isla’markaana waxaa balan guud laga yeeshay qorshaha amni gobalka waxaa ayna ku soo dhammaanta jawi aad u wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Amniga.

Daawo.

IDIL NEWS