Ra’iisulwasaare kheyre iyo Fahad Yasiin oo u duulaya Washington iyo Kulamo (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maalmaha soo socda u amba baxaya Magaalada Washington ee cariga Mareykanka.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa Washington uga qeyb-galaya Shir dhici doona 8-14 bisha April oo ay hay’adaha Maaliyada Adduunka ee IMF iyo Bankiga Aduunka qabanayaan, kaas oo lagu qiimeeynayo xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo Dhaqaalaha.

Safarka ayaa waxaa Ra’iisulwasaare Kheyre ku wehlin doona xubno ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda C/rixmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yaasiin.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa inta uu socdo Shirkaas kulamo doceedyo la yeelan doono Masuuliyiin kala duwan, kuwaas oo kamid ah Ergada Shirkani ka qeyb-galaysa.

Shirkan ayaa la filayay in uu ka qeybgalo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoona ka cudur daartay, una wakiishay Ra’iisulwasaare Kheyre, Iyadoona taas oo loo aaneynayo Xaaladaha adag ee ka jira dalka iyo Fashiladii ku yimid Xukuumadda ee dhinacyada amniga iyo Musuq-maasuqa.

IDIL NEWS