Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal dhex-maray Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab.

QORYOOLEY (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu duleedka degmadaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarumo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in mudo saacad ku dhow uu socday dagaal u dhaxeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa u sheegay Radio Risaala iyo ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku garsiiyeen wallow weli aan la helin dad madax banaan oo xaqiijinaya.

Xaalada Degmada Qoryooley ayaa saaka degan, iyadoona ay wararku sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay baadi goobayaan dadkii weerarka kusoo qaaday saldhigyada Ciidamada dowladda ee duleedka degmada Qoryooley.

IDIL NEWS