Adm. C/risaaq Diiriye “Markaan ka adkaanay Burcad badeedka, waxaan u gudubnay Argagixisada” (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Adm. C/risaaq Siciid Diiriye, Taliyaha Ciidanaka Badda Dowladda Puntland (PMPF) ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanku ay Guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeeda.

Adm. C/risaaq Diiriye ayaa sheegay in Ciidanka Badda Puntland ay dagaal culus la galeen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee dhibta ku hayay Maraakiibta Ganacsiga ee caalamka iskaga kala goosha, isagoona uga mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo taageero iyo Tababar siiya ciidanka PMPF-ta.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Badda Puntland ay haatan ku jiraan Difaaca Biriga ayna dagaal kula jiraan Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Gobalka Bari.

Adm. C/risaaq Diiriye ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shalay booqday xarunta Ciidanka Badda Dowladda Puntland (PMPF) ee Magaalada Boosaaso.  

Daawo.

IDIL NEWS