Madaxweyne Deni oo u duulaya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha.

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmah soo socda u duulaya Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo uu ku tagayo booqasho qaadan doonta Todabaad.

Madaxweyne Deni oo ay wehlin doonaan Xubno katirsan Golahiisa Wasiirada, ayaa ugu horeyn tagi doona Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Hoggaanka saree e Dalkaas iyo Madaxa Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiinta imaaraadka carabta ayaa ka wada-hadli doona xoojinta Xiriirka labada dhinac, iyo sidii Imaaraadku u sii wadi lahaa Taageerada amni iyo mida Billi’aadamnimo ee uu siiyo Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleymaan, ayaa kulankooda Dubai uga hadli doona sidii loo dardar-gelin lahaa Heshiiskii Dekedda Boosaaso iyo sidii Shirkaddu u bilaabi laheyd balaarinta Dekedda.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u sii gudbi doona Magaalada Bejing ee Dalka Shiinaha, Isagoona marti-qaad ka helay Shirkaddo maalgashi oo laga lee yahay dalkaas.

Madaxweynaha ayaa la kulmaya Masuuliyiin katirsan Xukuumadda Shiinaha iyo Madaxda Shirkadaha Maalgashiga Shiinaha, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan sidii Shirkadaha Shiinuhu u maalgashan lahaayeen Degaanada Puntland, gaar ahaan Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Kulluumeysiga.

IDIL NEWS