Muqdisho: Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo u baaqday Kooram la,aan

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Waxaa maanta Isniin ah mar kale baaqday kulankii 1-aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ee Kalfadhigiisa 5-aad, iyadoo Xldhibaanada saqdii Dhexe ee Xalay loo diray fariin lagu ogeysiinayo inaanu jirin kulan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanku uu u baaqday cabsi Guddoonka baarlamaanka ay ka qabaan inuu buuxsami waayo Kooramka uu ku furmi lahaa kulanka maanta, iyadoo xuuraansi ay sameeyeen Guddoonka ku ogaadeen in Xildhibaano badan in aanay imaaneyn kulanka haddii la furo, taas bedelkeed ay kulanka baajiyeen.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa mar kale shalay shaaciyay ajandaha looga doodayo kulanka, kaasoo ahaa ajandihii Sabtidii la soo dhaafay ku bilowday buuqa iyo sawaxanka oo Xildhibaanada ay ka soo horjeesteen.

Ajandaha weli taagan ayaa ah dhageysiga warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka, waxaana Xildhibaanada badankood qabaan in aanay ajandahaas munaasab aheyn xilligan, loona baahan yahay in laga doodo xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan tan Muqdisho oo sii xumaaneysay muddooyinkii u dambeeyay.

Kalfadhigan 5-aad oo Madaxweynaha uu furay 27-kii bishan ayaa wali waxaa la suurta galin la’ furitaankiisaa kulanka 1-aad, iyadoo arrintaa ay banaanka u soo saareyso habacsananaanta ka jirta shaqadii laga rabay hay’ada Sharci dejinta.

IDIL NEWS