Qardho: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha (Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaraha,Xerada Ciidamada Darawiishta Xorgoble,Cisbatalka Degmada iyo Xarunta Cashuuraha Barriga,

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir ku Xigeenka dakhliga,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime ku xigeenka guud ee dakhliga, Agaasimaha waxaada Furdooyinka iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golbolka karkaar.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa xogo kaladuwan ka dhagaystay Agaasimaha Cisbatalka qardho waxana ay booq deen Goobaha bukaanka.

dhinaca kale Waftiga ayaa booqday Xerada Ciidamada Daraawiishta Xorgoble iyo Garoonka Diyaaraha En Abshir Muuse.

kormeerkan markii uu soo idlaaday ayaa Wasiirku Xigeenka Dakhliga iyo madaxda kale waxa ay kulan laqateen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golbolka karkaar.

kalan kan ayaa ahaa isbarasho iyo mid looga hadlaayay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga gaar haan Cashuuraha Berriga iyo caqabadaha jira sidii xal loogu heli lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Golbolka karkaar uga mahad celiyay duruufaha adag ee ay ku shaqaynayaan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kuguda jira booqashadii Gobolada ee barashada shaqaalaha iyo kobcinta takhliga.

Daawo.

IDIL NEWS