Ra’iisulwasaare Kheyre oo shaaca ka qaaday sababta MD Farmaajo u furi waayay Kalafadhiga 5-aad ee Aqalka Sare.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka, isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad.

Sababaha uu kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo Amni oo jira, balse Ra’iisul Wasaare Kheyre uusan sii faah faahin.

inta uusan furmin kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare ayaa waxaa jiray jahwareer ka dhashay cida fureysa kal-fadhiga, iyada oo guddoonka ay diidanaayeen in uu Ra’iisul Wasaaraha furo wallow markii dambe xal laga gaaray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labo jeer ka baaqday furitaanka kal-fadhiyada Golaha Aqalka Sare, waxaana xusid mudan in Xildhibaanada labada Aqal aysan xilligaan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn.

IDIL NEWS